Oday Caan Ahaa Oo Lagu Dilay degmada Awdheegle

October 28, 2019 (AO) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dil ka geysatay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Odayaasha degmadaasi oo gaarayey 25 ay ugu yeereen Kunyo-Barow, kadibna ay dileen mid ka mid ah, sida aan xogta ku helnay.

Odayaasha ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen deeq gaar gaar oo dhowaan laga qeybiyey Awdheegle oo horay looga saaray Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka marxuumka, mana jiro weli wax hadal ah oo soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com