SAWIRO: Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashoyinka oo la kumay Madaxweynaha Jubbaland

October 28, 2019 (AO) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland.

Maamuus iyo Qado sharaf uu Madaxweynahu Xubnahan ugu sameeyay Madaxtooyada kadib waxaa kulan ay yeesheen lagaga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen.

Kulankan waxaa diirada lagu saaray sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana kulankii ugu danbeeyay uu yahay midka ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.