Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay gobolka California.

October 28, 2019 (AO) – Gavin Newsom  Gudoomiyaha gobolka California  ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqay gobolka kadib markii ay korortay Khasaaraha ka dhashay duufaanta adag ee ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Ku dhawaad 180,000 ruux oo ku nool waqooyiga gobolka Californiaayaa lagu amray in guryahooda ay iskaga baxaan, iyadoona meelaha qaar loo diray gawaari dadka soo samata bixisa.

Tobonaan guri ayaa laga cabsi qabaa in saamay xun ay ku yeeshaan dabka ka holcaya qaybo badan oo gobolka kamid ah.

Duufaanta ku dhufatay gobolka California ayaa ah tii ugu xumeed ee gobolkani ku dhufata, iyadoona ku dhawaad hal milyan oo ruux ay wajahayaan koronto la’aan.

Shirkadaha bixiya adeega korontada ayaa sheegaya in hal milyan ruux oo kale ay halis ugu jiraan in ay ku dhacdo koronto la’aan.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com