Xildhibaan Xaniifa Xaabsade: Fatahaada Bardaale Waxay Mareysaa Meel Halis ah

October 28, 2019 (AO) – Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade oo ah xildhibaanada laga soo doorto deegaan koonfur galbeed ayaa Golaha Shacabka ka hor sheegtey in Fatahaada Balaaran ay saameysey Degmadda Bardaale ee Gobalka Baay.

Xildhibaanadda ayaa fatahaadda Bardaale ku timaantey mid ugu darneyd abid ka dhacday degmadda bardaale ee gobalka Bay, waxayna sheegtey in dad ka badan 5,000  oo qoys ay ku barakaceen saameynta daadadka soo dhexjibaaxa degmadda bardaale.

“Waxaa barakacay in ka badan 5,000 oo qoys, waxaa dhacay daad weyn oo dhamaan degmadda bardaale saameyey, waxaa xirmay ganacsigii iyo adeeyadii bulshadda, ma jiro wax gurmad ah oo loo fidiyey reer bardaale, waxaan codsanayaa in dadkaas loo gurmado”

Ugu dambeyn xildhibaan xaniifa ayaa dowladda federaalka iyo maamulka koonfur galbeedba ugu baaqdey in ay si deg deg ah u qaadaan talaabooyin gar gaar iyo caawinaad loogu fidinaayo fataahadaha degmadda bardaale ee gobalka Baay.