84 jir Masaajid weeraray oo lagu xiray France

October 29, 2019 (AO) – Nin 84 jir ah ayaa weeraray Masaajid ku yaalla Dalka France waxaana uu dhaawacay labo qof oo da’ ah.

Ninkan ayaa isku dayay in uu Masaajidka dab qabadsiiyo,waxaana la kulmay labada qof ee Masaajidka banaankiisa joogay,markii ay isku dayeen in ay hor istaagaan ayuu rasaas la dhacay halkaas ayeyna ku dhaawacmeen.

Booliska France ayaa Ninkan ka qabtay banaanka gurigiisa,waxaana intii uusan Masaajidka ka tegin uu dab qabadsiiyay gaari yaallay Masaajidka banaankiisa.

Dhibbnayaasha llabada ah ayaa da’dooda lagu kala sheegay 74 jir iyo 78,waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla degaanka Bayonne, halkaas oo lagu daweynayo.

Booliska France ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay magaca Ninka Claude Sinke, oo 84 jir ah, ma cadda sababta ku kalliftay in uu weerarkaas geysto.

Wasiirka arrimaha gudaha France Christophe Castaner, ayaa xaqiijiyay xarigga Ninkaas waxana uu cambaareeyay falka uu ku kacay.

Haweeneyda  xoggaamisa Xisbiga midigta fog ee Muslim nacaybka ku badanyahay Ninka weerarka geystayna lala xiriiriyay Marine Le Pen, ayaa qudheeda cambaareysay weerarkaas.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com