Fanaankii  wayna Mohamed Ahmed Qomaal oo ka baxay fankii:- (Sawiro)

October 29, 2019 (AO) – Fanaanka Caanka ah ee Mohamed Ahmed Qomaal oo muddo Badan ku soo dhex jiray Fanka soomaalida ayaa shaaciyay in uu gabi ahaanba iskaga baxay.

 

Fanaanka oo sanadkan ku sugan dhulka barakaysan Maka isla markaana gudanaya Wajibaadka Alle ayaa u sheegay ummada Guud ahaan in uu gabi ahaanba iskaga baxay fanka, sidaasna uu ugu jeedsaday dhinaca allaah.

 

waxa uu dadweynaha muslimiinta ah, si gaar ah soomaalida uga codsaday in ay ugu soo duceeyaan dariiqa toosan ee uu qaaday, waxaanu sidoo kale xusay in aanay ku jirin in uu mar kale dib ugu laabto fanka oo uu soo gunaanaday

 

Sanadihii ugu danbeeyay Fanaaniin badan oo heesahooda la jeclaa ayaa ku dhawaaqayay in ay soo gunaanadeen isla markaaana aanay dib u heesi doonin, sidaasna kaga baxayay fanka

Waxaana inta kugu Jiray Dhulka Barakaysan uu la Kulmay Culumaaudiin Waxaana Meesha uu Lagu Gadoonsiiyay Hadiyado Farxad leh oo isugu jira Kutubo Quraan iyo Kuwa Axaadista .

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com