Dowladda Turkiga oo noqtay Dalkii ugu horeeyey ee ka soo Jawaaba Fatahaadaha Beledweyne

October 30, 2019 (AO) – Dowladda Turkiga aya noqotay dalkii ugu horeeyey ee ka soo jawaabta baaqii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in gurmadka loo fidiyo dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan ioo ka mid ah Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha Webiyada Shabelle iyo Jubbada, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ugu horeyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi,islamarkaana ay aad uga xuntahay dhibaatadaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaradu sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka xoogan ee loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid ah degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Hadalkan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo haatan xaaladdii ugu darneyd ee fataahadda ay ka taagan tahay deegaano badan oo ka tirsan maamul goboleedka HirShabelle.