Xildhibaan cawil xasan oo dacwad laga gudbiyay

October 30, 2019 (AO) – Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Maamulka  Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa  Baarlamaanka Puntland uu u diray warqad dacwo ah oo uu kaga codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad,kaas oo dhawaan su’aal adag weeydiiyey Madaxweynaha Puntland.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas waxaa ay ka dalbatay inay u ogolaadaan in Xildhibaanka lagu soo oogo dacwad.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa 26-kii Bishaan oo ah Maalintii uu furmay Kal-fadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland waxa uu Madaxweyne Deni weeydiiyey su’aal aheyd in amnidarro weyn ay ka jirto Magaalooyin kamid ah Maamulka Puntland lagana qanuudo Masaajidyada.

Warqada loo diray Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo uu ku saxiixan yahay Xeer Ilaaliye kuxigeenka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka uu ku xadgudubay sharuucda dalka u yaala, isla markaana uu ka dhawaajiyey  hadalo ay tahay in dacwad xoog leh lagu soo oogo.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com