Somaliland oo digniin deg deg ah kasoo saartay Duufaan kusoo wajahan

October 31, 2019 (AO) –Faysal Cali Sheekh Guddoomiyaha Hay’adda aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka qaranka Somaliland ayaa ka digay duufaan uu sheegay in toddobaadkan la filaayo inay ku dhuftaan xeebaha Somaliland.

Waxa uu sheegay in ay taxadiraan dadka degan xeebaha Somaliland,kaluumaysatadu ay badda ka soo baxaan, wax doonyo ahna aanay badda ku safrin inta todobaadkaas duufaanka ah uu dhamaanayo.

” Waxaanu xidhiidh la samaynay haayadaha saadaasha ee gobala Geeska Afrika iyo bariga Afrikaba waxa jira runtii duufaano xoogan oo ka soo kacay waqooyiga badweynta Hindiya, duufaankaas oo darajadiisa ilaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu hadda ka bilaabmatay xeebaha cumaan, waxa la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca xeebaha Somaliland Khaasatan gobalka Sanaag, Laasqoray,Maydh iyo Xiis,Conqor, Bebera, Bulaxaar iyo Ceelsheekh intaas inta u danbaysaa inay soo gaadho ayaa la filayaa ” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu intaa kusii daray hadalkiisa “alle ayaa og laakiin waajibka na saran waxa weeye inaan umadda uga digno wakhti ka hor, waxaanuna jecelnahay inaan gaadhsiino shacbiga Somaliland khaasatan shacbiga ku dhaqan deegaanadaas inay ka digtoonaadaan, waxaanu uga digaynaa Kaluumaysatada reer Somaliland kuwa badda ku jiraa inay ka soo baxaan kuwa galayaana inay ka joogsadaan, doonyaha iyo maraakiibtaba waanu uga digaynaa, muddo todobaad ah oo ka bilaabmaysa maanta [shalay] 30/10/2019 inay ka digtoonaadaan dabaylahaas oo la filaayo roobabna inay wataan.”

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com