Dowladda Federaalka oo Muqdisho Gelinaysa is-beddal Qorshe Amni oo cusub

October 31, 2019 (AO) – Ciidamada Amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska Iyo Nabadsugida ayaa habeen hore dhagxaan fara badan ku jiray xaafado ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah waddada 30-ka ee gobalka Banaadir.

Shacabka Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa billaabay in ay iska qaadaan dhagaxaantaasi, iyagoo si aad ah u careysan oo ku dhawaaqaya adoonsi dooni meyno.

Dhowrkii sacadood ee la soo dhaafay waxaan  la xariirtay mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya si aan u ogaano wixii keenay in waddooyin cusub la xiro, lana kor dhiyo culeyska saaran muqdisho.

Dadka aan la hadalnay oo ka kooban booliiska, NISA, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda amniga iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo sheegay waxa uu yahay qorshaha cusub

“Qorshe cusub ee loo dejiyay ammaanka Muqdisho ayaa dhigaya in inta u dhaxeysa waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka laga sameeyo baaritaano lagana dhigo kuwa xasilooni muddo kooban gudahood kadibna la-qaado dhagxaanta taalo waddada Wadnaha taas oo ka dhigan in la durjin doono halka ay magaalada ka xiran tahay” ayuu yiri mid kamid ah dadka aan la hadalnay.

Saraakiisha ammaanka iyo dadka kale ee xog-ogaalka u ah arintaan ayaa sheegay in haddii sidaan la sameeyo uu aad u yaraan doono dhibaatada xirnaanshiyaha wadooyinka lagala kulmo maadaama ay gudaha soo galayaan 2-da suuq ee ugu weyn Soomaaliya, sidoo kalane ay tahay guul kale maadaama xasilooni lagu soo dabaalayo amniga magaalada inkastoo ay jiri doonto cabashada iyo dhibaatada kale ay wajahayaan dadweynaha reer Muqdisho.