Dowladda Oo Deeq Gargaar Ah Ku Wareejisay Koonfur Galbeed:- (Sawiro)

October 31, 2019 (AO) – Guddiga Gurmadka Fatahadyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta gelinkii dembe lagu wareejiyay deeq ka timid wasaradda gargaarka maareynta iyo masiibooyinka Dowladda Fedaralka Soomaaliya ,kuwaasi oo isugu jiray marakaneeco,teendhooyin,iyo Malmalaato.

Waxana deeqdan lagu wareejiyay Koonfur Galbeed loogu tala galey in la gaarsiiyo Shacabka degmada Bardaale oo saameyay fatahadyada.

Cabdinaasir Cabdi Canshuur Guddomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahadyada Koonfur Galbeed ahna Wasiirka gargarka maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KG ayaa sheegay in Maanta degmada Bardaale ay geeyen deeq hordhac ah oo isugu jirtay  Daawoyin iyo Raashin.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com