Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyaddii ugu badneyd

October 31, 2019 (Awdinle Online) – Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.

Kororka dheeriga ah ee ku yimid Miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo kulanka shir gudoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradaha Dhaqaalahaa iyo Dakhli Uruurinta oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wasiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

Miisaaniyaddan ah ayaa tii ugu badneyd ee dalka laga ansixiyey wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay.