MADAXWEYNE Laftigareen  oo  kulan deg deg  ah la qaatay  Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed

October 31, 2019 (AO) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen )  oo kulan la qaatay caawa  Guddiga  Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed , culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Berdaale iyo Bakool

 

Wasiirrada  Xubnaha ka ah Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani .

 

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed  ayaa sheegay in dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan caawiinta dadka  dhibaataysan.

 

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh .

Xubnii  qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda  ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com