Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Sheekh Shariif khadka taleefanka ku wada hadleen

October 31, 2019 (AO) – War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in xalay wada hadal dhinaca qadka taleefanka uu dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Rag aad u muhiim ah oo ka mid ah xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u xaqiijiyay warbaahinta awdinle.com in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, Maalinta koowaad ee Bisha November ilaa maalinta sedaxaad, hase ahaatee Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “aniga shalay wixii ka horeeyay waxaan l ahaa shaqsi, balse haatan waxaan hoggaamiyo u ahay Madasha Xisbiyada” haddii la kulmayana waa in Madasha Hoggaankeeda aan ku wargeliyo si ay qeyb uga ahaadaan kulanka, wixii hada ka dambeeyana aysan jiri doonin xiriir toos kulan khaas ah.

Labo Todobaad ka hor ayay aheyd markii kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, waxaana la sheegay in kulanka labada dhinac uga hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan Awood qeybsi Wasiiro ah iyo in laga heshiiyo arimaha Galmudug.

Agaasimaha NISA ayaa aad u daneynaya in la wada hadlo si ay dowladu waji kale u yeelato iyo in lagala shaqeeyo muddo kordhin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo loo sameeyo, ayna qeyb ka noqdaan Xukuumad Wadaag.

Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray waxaa uu ku sheegay in Xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UPD ay kulan qarsoodi ah la yeesheen Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, loona soo jeediyay in Xukuumadda lala wadaago, lagalana shaqeeyo in waqti loogu daro Madaxweyne Farmaajo.

Dadka ka warama arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrimahan soo kordhay ee isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah uu culeys weyn ku yahay dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto.