Muxuu ku Saabsanaa kulan Gudoomiyaha Baarlamaanka DF iyo Safiirka Qatar

October 31, 2019 (AO) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay safiirka Dawladda Qatar u fadhiya soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem.

Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta iyo xiriirka Barlamaanadda Qatar iyo Soomaaliya, iyada oo safiirkana uu gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee Dowladda Qatar ay soomaaliya ka wadaan.

“Waxaa si xoog leh ugu kalsoonahay sida dowladda Qatar ay u garab istaagan tahay Soomaaliya Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan ayuu yiri Gudoomiye Mursal”

Dowladda Qatar ayaa ayaa kaalin xoog badan ku leh Dhaq dhaqaaqyada Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya, inkastoo ay dowladda Federaalka ah ay wajaheyso caqabado Iyo mucaaradad xoog badan oo ka imaanaya dhinaca siyaasiyiinta iyo Maamul Gobaleedyadda.

Warar sugan Kala soco awdinle.com