Dowladda Jabuuti $600.000 ugu Deeqday Fatahaadaha Beledweyne

November 01, 2019 (AO) – Dowladda  Jabuuti ayaa guddiga fatahaadaha ku wareejisay lacag dhan 100 malyuun0 (Boqol malyuun) oo faranka Jabuuti ah una dhiganta $600’000 (Lix boqol oo kun oo doolar).

Jabuuti ayaa tabarucaadda waxaa ay uga qeyb qaadaneysaa  gurmad toos ah oo loo fidinayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, sida u fidinta adeegyo caafimaad, samata bixinta dadka ku go’doonsan meelaha qaar iyo agab kale oo la siinayo dadka ku barakacay fatahaadda.

Waxaa sidoo kale jira dowladdo kale oo balan qaaday gurmad deg deg ah la soo gaari doonaan dadka ay fatahaadaha saameeyene eek u nool Gobolka Hiiraan