Taliyihii Booliska Somaliland oo Geeriyooday

November 01, 2019 (AO) -Allah u Naxariistee Taliyihii booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa ku geeriyooday Hargeisa sida ay xaqiijiyeen Xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Somaliland.

Taliyaha ayaaa caawa la dhigay isbitaalka weyn International Hospital ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegey in Taliyaha ay soo wajahay Xaalad Caafimaad oo deg deg ah, wali  Maamulka Soomaaliland wax faahfaahin ah kama bixin geeridda Generaal Fadal oo Muddo dheer ahaa taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Warar sugan kala soco awdinle.com