Dadkii Ka Barakacay Fatahaada Beledweyne Oo La Gaarsiin La’yahay Gar gaarkii Looga Lala Galay

November 2, 2019 (AO) – Magaalada Beledweyne  ee gobalka hiiran  Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in gargaar loogu tala galay dadkii ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadii wabiga shabeelle ay suura geli la’dahay in la gaarsiiyo magaalada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan wafdi ka socday dowladda Federaalka oo shalay gaaray Beledweyne ayaa sheegay in waddooyinkii la marsiin lahaa gargaarka ay go’an yihiin.

Waxaa uu sheegay in garoonka diyaaradaha Beledweyne iyo magaalada Muqdisho ay ku xayiran yihiin gargaar loogu tala galay dadka reer Beledweyne ee ku barakacay fatahaada.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in shalay wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ay ku tageen diyaarad helicopter ah, isla markaana garoonka xiran yahay oo aanay diyaaradaha caadiga ah ku degi karin.

“jidadkii loo soo marsiin lahaa gargaarka loogu tala galay waa xiran yihiin, roobabkii ayaa saameyn ku yeeshay, garoonka diyaaradaha waa xiran yahay, mallaayiin gargaar ayaa taalo, laakiin dadka la gaarsiin la’yahay, meel loo marsiiyo ayaa la weysan yahay”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Kumanaan qoysas ayaa ku barakacay fatahaada wabiga shabeelle, waxaana dadka u barakaceen duleedka magaalada Beledweyne.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com