Degmada Qoryooley oo Qarax ka dhacay  

November 2, 2019 (AO) – Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose Wararka naga soo gaaraya  ayaa sheegaya in shalay uu qarax ka dhacay Degmadaasi.

Dhowr qof ayaa ayaa ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Degmada Qoryoolet ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay xarun ay leedahay Sharikad gaar loo leeyahay oo qeybisa Abuurka Beeraha.

Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa shaqaalaha sharikadda gaarka loo leeyahay ay qeybinayeen abuur la siinayay dadka Beeraleyda ah ee Degmadaasi ku nool.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolkaas, dadka goobjoogayaasha ayaa sheegay in qaraxa loo maleynayo in uu ahaa miino la geliyay goobta uu ka dhacay.

Degmada Qoryooley ayaa dhowr jeer waxaa weerar ku qaaday dhaq dhaqaaqa Al-shabaab halkaas oo ay kula dagaallameen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee deggan halkaas.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com