Dhageyso :-Dowladda Fedraalka Somaliya Oo Baaq Loo Diray

November 2, 2019 (AO) – Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyey laanta af somaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka.

Cumar Cabdirashiid  wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore  ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan .

Cumar Cabdirashiid  ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya in ay lacag Deyn ah qaadato oo gaaraysay shan milyan   si loogu gurmado, deg degna loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fataahadaha hadda ka jira deegaano hoostaga dowlad gobleedyada Konfur Galbeed iyo  Hir Shabelle .

 

ayaa xusay inay muhiim tahay  in dhaqso looga jawaabo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, islamarkaana aan la sugin lacagta qaaraanka ah ee soo uruuraya, si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ku jirta.

Hadalkan Ra’iisul wasaarihii hore  ee dalka Cumar Cabdirashiid  ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda iyo shacanka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com