Dhageyso :-Laamaha Amanka Gobalka Bay Oo Kulan La Qaatay Dadka Baracayaasha:- (Sawiro)

November 2, 2019 (AO)-Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa Manta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Waxa uu kulan Lagu Xaqiijinayo Amaanka Degmada Baydhabo kula Qaatay Gudoomiyasha Kaamamka ku yaala Magaalada Baydhabo Waxaana Kulanka inta uu Socday uu ahaa mid looga hadlayey Sidii Loo Xoojin lahaa Amaanka loogana Hortagi lahaa Falalka Argigixisada ay ku dhibatayaan Shacabka Somaliyeed .

 

Kornel  Amiin Maxamed Daruur Taliyaha Booliska Gobolka Baay ayaa Gudoomiyaasha ku Booriyey Muhiimada ay leedahay kawada Shaqaynta Amniga Si loo Badbaadiyo Dhiiga iyo Maalka Shacabka Somaliyeed Loogana Hortago Dhagarta Maleeshiyada Alshabaab ay ku Dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed .

 

ka Qeybgaliyaasha kulanka ayaa Tilmaamay Muhiimada Wada Shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka inay ka dhalankarto Amniga Degmada Baydhabo oo Xaqiijintiisa Lagu Guuleysta laiskuna Darsada Fikrado lagu Xoojin karo Sidii Cadowga Umada Somaliyeed looga Ciribtiri lahaa Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed Somaliya .

 

Amiin Maxamed Daruur Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa Umahadceliyey Shacabka kasoo Qey galay kulanka Waxaana uu Sheegey inay Dardar gelin Doonan Kulamada Kala Gedisan ee ay la Qaadanayaan Qeybaha kala Duwan Bulshada kaasi oona lagu Xoojinayo Sidii Dhibaatada Argigixisada looga Hortagi lahaa .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com