November 2, 2019 (AO) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Caalamiga ah ee dhameynta la Xisaabtan la’aanta Xad gudubyada loo geysanayo Wariyaasha oo Maanta oo kale 2 November laga xuso Caalamka.
Munaasabada Waxaa soo agaasimay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, Waxaana ka qeyb galay Madaxda Jaamacadaha Dalka, Xubno ka socday Ururada bulshada rayidka ah, qorayaal Soomaaliyeed, Madax iyo Wariyaal ka socday Xarumaha Warbaahineed ee Muqdisho.
Waziirka wasaarada warfaafinta xukuumada somaliya mudana maxamed cabdi xayir maareye ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ka go’antahay ilaalinta badqabka wariyaha iyo warbaahinta Soomaaliyed .
Tababarayaal Saxaafadeed iyo xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in laga hortaggo tacadiyadda Wariyeyaasha Soomaaliyeed, maadaama ay ku shaqeeyaan Marxalado adag.
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com