Dhageyso :-Somaliland Oo Ka Hadlay Geeridii Taliyihii Ciidanka Boliska

0
2

November 2, 2019 (AO) – Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay geeridii ku timid taliyihii hore ee ciidanka Booliska maamulkaasi, General Cabdullaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Caasimada ee Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore tacsi u diray ehallada marxuumka, Booliska iyo dhammaan dadweynaha reer Somaliland.

 

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Marxuumka oo xanuunsanaa mudooyinkii dambe ayaa todobaad ka hor laga keenay dalka Turkiga, halkaas oo loo geeyay how caafimaad.

Sanadkii 2012-kii ayuu madaxweynihii xilligaas ee Somalilnd Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliska Somaliland, waxuuna xilkaas hayey marxuumku ilaa uu ka geriyooday.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com