Faysal Xaaji Adam  oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee  Buulo Burte

November 2, 2019 (AO) –Maxamed Xasan Cali Caadle  Wasiirka arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle lana ogeysiiyay madaxda Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Hiiraan ayaa lagu magacaabay Faysal Xaaji Adam in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com