Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Afgooye

November 2, 2019 (AO) – Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi  ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada  Afgooye ee Gobolka gobalka shabeelha hoose .

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha konfur galbed ayaa lagu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Qaasim (Carab) in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada afgooye  ee Gobolka shabeelha hoose

 

Sido kale wareegtada ayaa lagu magcaabay Xog-hayaha degmada waxaana loo magacaabay Mudane Maxamed Cali Cadow

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com