Kenya oo Mareykanka ku riixeysa in Al-shabab lagu daro liiska Argagixisada caalanka

November 2, 2019 (AO) – Dalka Kenya waxaa ku sugan Taliyaha ugu sarreeya howlgalka la dagaallanka Argagixisada ee Dalka Mareykanka Jeneraal  Richard Clarke.

Waxaa marti qaad u fidiyay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya Samson Mwathethe.

Kulanka oo aan inta badan warbaahinta loo sheegin waxa looga hadlay ayaa warbaahinta Kenya waxaa ay qoreysaa in Dowladda Kenya ay ku qal qaalineyso Mareykanka in uu aqbalo in AL-shabaab lagu daro qodobka 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa Golaha amaanka ka hordiiday in AL-shabaab lagu daro godobkaas markii ay Kenya codsatay sanadkan gudahiisa.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in haddii Al-shabaab lagu daro qodobkaas ay xaalad bani’admnimo ka dhalan karto goobaha ay ka taliyaan maaddaama loo aqoonsanayo argagixiso iyaga iyo dadka ku hoos nool islamarkaana la beegsan karo.

Kenya wali kama quusan in Al-shabaab lagu daro qodobkaas si ay qiil ugu heysho leynta Dadka iyo Duunyada ku nool Gobollada Jubbooyinka oo haddaba si joogto ah ugu dhib qaba duqeynta ay ka geysato Gobolladaas.

Taliyaha Laanta Dambi baarista Dalka Kenya George Kinoti, ayaa sheegay in Kenya ay hadda abaabuleyso waddamo ku feker ah oo la qaata in AL-shabaab lagu daro qodobka 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kaddib isku daygii hore ee fashilmay.

Booqashada Jeneraal  Richard Clarke, ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sidii Kenya iyo Mareykanka isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab,gaar ahaanna weerarrada AL-shabaab ee ka dhaca gudaha Dalka Kenya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com