Sawiro: Danjiraha Dowladda Taliyaaniga oo Booqdey Xarunta Ciidanka Midowga Yurub ee Muqdisho

November 03, 2019 (AO) – Safiirka Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa booqasho kormeer ah ku tegey Xaruunta tababaradda midowga yurub ee Soomaaliya.

Danjiha Vecchi ayaa dhegeystey war-bixino ay siiyeen saraakiisha midowga yurub ee dowladda soomaaliya ka taageera dhinaca tababaradda kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee dalka iyo ilaalinta xeebaha jamhuuriyadda soomaaliya.

Sidoo kale danjiraha Vecchi ayaa waxaa la daawadsiiyey muuqaalo dhowr ah oo muujinaya sida loola dagaalamo burcad badeeda ka qowleysata xeebaha soomaaliya iyo sida loo badbaadiyey kaluumeysato khatar kusoo wajahadey gudaha badweynta hindia.

Warar xiiso leh kala soco awdinle.com