Dhageyso :-Ahlusunna oo ka hadashay Xaaladda degmooyinkii lagala wareegay

November 3, 2019 (AO) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in Ahlusunna aysan dooneynin dagaal ay la gasho Ciidanka dowladda Soomaaliya ee la wareegay degmooyinkii ay maamuli jireen.

Waxaa uu sheegay in waxa dhacay in aysan ka fileyn dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay noqotay wax kadis ah in Ciidamo laga dul keeno oo Saldhigyadii lagala wareego.

Madaxa Ahlusunna waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu diyaar u yahay in xal buuxa laga gaaro Khilaafka dowladda iyo waliba Ururka Ahlusunna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe , waxa uu xusay Sheekh Shaakir in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com