Dowladda Federaalka oo ka takhalustay Ahlu Sunna Wal Jamaaca

Wararka warbaahinta ka soo tabineyso Magaalo Madaxda Galmudug Dhuusamareb waxay sheegayaan in ciidammada Dowladda federaalka la wareegeen xukunka deegannada Matabaan, Guriceel, iyo Dhusamareb, isla markaana madaxii Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) ee heshiiska la gashay DF ay ka baxeen magaalooyinkaas oo dhan. Taas macnaheedu wuxuu yahay in Madaxda ASWJ ku qanceen in badbaadadooda iyo xorriyaddooda ay halis ku jirto.

Mustaqbalka ASWJ oo aheyd dhaqdhqaaq Diini/madani ah ee u dhashay ka xoreynta Al Shabab degaanka Dhusamareb, Caabudwaaq, iyo qaybo ka mid ah ceelbuur, ceeldher, iyo Hirshabelle, kaddibna u xuubsiibtay hoggaan maamul siyaasadeed la aqoonsan yahay oo heshiisyo caalami ah dhinac ka ahaa, wuxuu ku jiraa mugdi. Mustaqbalka la odorosayay maanta ka hor wuxuu ahaa in ASWJ ka mid noqoto/ku milanto maamulka DG Galmudug oo dib u yagleediisa socota.

Ayadoo ay muuqatay tanaaqud ka jira fikri diimeedyada siyaasadda ku milmay iyo habka xulashada Wakiillada Barlamaanka DG, isla markaana loolanka ba’an ee ka jiro doorashada Madaxweynaha DG Galmudug iyo in DF caan ku tahay inay rabitaankeeda ku meelmariso sharcidarro sida laalush, xoog, iyo fidno, ASWJ waxay dalbatay in culumada ASWJ hoggamisa soo magacowdo 50% (44 xildhibaan) 89 xildhibaan oo ka wakiilka ka ahaa 11 qabiil ee Galmudug, 50% (45 xildhibaan) ay odayaasha dhaqanka beelaha soo magacaaban. Tusaale, reerkii leh 2 xildhibaan, mid waxaa soo magacaabaya dhaqanka, midna waxaa soo magacaabaya culumada ASWJ ayadoo la dhawrayo wax qaybsiga beel kasta. DF waxay diiday dalabka 50% & 50%. Gorgortan dheer kaddib, waxaa lagu heshiiyay in ASWJ soo magacowdo 35 (40%)) xildhibaan. DF way ogeyd habka magacaabista Xildhibannada beelaha, waxayna aqbashay meelmarinta habka isku dhafan ee ASWJ codsatay si xilka looga qaado Madaxweyne Xaaf, doorasho u dhacdo, laguna beddelo Madaxweyne DF ( N&N) ay raalli ka tahay, taagersan madaama ay ku tala galeyso in 70% xildhibaannada taageraan musharraxa N&N.

Heshiiskaas wuxu keeni lahaa dhismaha maamul dowladeed dastuur iyo barlamaan ku dhisan, loogana gudbayo marxaladda la joogo.

Hirgelinta heshiiska waxaa gogoldhig u ahaa wada magacaabidda guddiga doorashada, meeleynta Ciidammada ASWJ iyo Madaxda ASWJ qaarkood, iyo taagerro dhaqaale.

Dhinaca kale, heshiiska qarsoodi ah ASWJ iyo DF wuxuu wiiqday awoodda iyo sumcadda ASWJ, waayo Madaxweyne Xaaf ayaa ka tagay Dhusamareb, burriyay heshiiskii Jabuuti, kaddibna aqbalay qabashada doorasho Barlamaan iyo mid Madaxweyne. Guushaas kaddib, DF waxay waqti iyo xoolo ku bixisay inay isku dirto Madaxda ASWJ, iyo ASWJ iyo Shacabka deegaanka oo dhibaatoyin badan haystaan, iyo inay la wareegto Ciidammada ASWJ si kaalinta ASWJ loo tirtiro ugu horreyn.

Buuqaas lagu abuuray ASWJ wuxuu DF ku dhiirrigeliyay inay ka baxdo dhammaan heshiisyadii iyo ballanqaadyadii dhexmaray DF iyo ASWJ.
Sidaa darted, DF waxay magacowday guddi doorasho oo ASWJ xubno ku laheyn oo ka amar qaadanaya N&N oo 12 Wakiil u joogaan Dhusamareb. Waxaa xigay in Wasiirka Arrimaha Gudaha caddeeyay in xulashada Xildhibannada leeyihiin odayaasha dhaqanka, kuwaaso maalin kaddib shir ka sheegay inaysan oggoleyn in qaar ka mid ah Xildhibannada beelaha ASWJ soo magacawdo. Halkaas waxaa lagu soo xiray albaabkii ASWJ ka geli laheyd siyaasadda iyo hoggaaminta maamulka Galmudug.

Madaxda ASWJ iyo taagerayaasheeda waxay soo gaaren marxalad ay ka welwelaan nabadgelyadooda iyo xorriyadooda, kana fogaadaan meelaha ay joogaan ciidammada DF ka amar qaata.

Khiyaaraadka horyaal ASWJ waxay kala yihiin:

1. Inay noqdaan mucaarad hubeysan oo 2 cadow ka soo horjeedaan; 1. Al Shabab 2. N&N
2. Inay qaataan wixii DF u garato, una wareegaan deegaan ay ku noolaan karaan 5 sano soo socota
3. Inaysan waxba qaadan, ahaadaan mucaarad halis ku jira, sugaan inta laga dhisayo DG Galmudug, kaddibna tashadaan.

Waxaa Qorey Dr. Maxamud M Culusow