November 3, 2019 (AO) – Madaxweynaha Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa caawa degmada baraawe. waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka degmada baraawe.
Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo qaar ka ka tirsan golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin amaanka caafimadka waxbarashada .
Odayaasha ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in magaalada aysan lahayd dugsi sare sidoo kale goobaha caafimadkana ay yihiin kuwa liita .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Odyaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay waxa uu u balan qaaday in dhamaan cabayooyinkii ay soo bandhigeen wax laga qaban doono .
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ayaa Sidoo kale sheegay in isagoo kaashanaya Madaxda qaranka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed uu ka shaqeyn doono xalinta wixii cabasho ah oo ay qabaan bulshada ku nool degmada baraawe .
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareeen ayaa tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo waxaa uu boogday dhamaan degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mar laga reebo degmooyinka qaar .
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com