Wasiirka Warfaafinta DF ayaa Xilalka Qaadey Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo Wakaaladd Wararka SONNA

November 03, 2019 (AO) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA, wuxuuna xilalkaasi u magacaabey Agaasimeyaal cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa xilkii Agaasimaha SNTV looga qaaday  Liibaan Cabdi Cali, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimihii  Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Sidoo kale Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday,waxaana xilkaas loo Magacaabey Yaxye Cali Faarax.

Hoos Ka Akhriso Warqada Magacaabista