Dadka Kenya oo noqday 23 Milyan Rag iyo 24 Milyan Haween ah

November 4, 2019 (AO) – Hay’adda Tirakoobka Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday tirada dadka Kenya ee tirakoobka lagu sameeyay 24 ilaa 25kii August.

Madaxweynaha Dalka Kenya oo loo gacangeliyay shaacinta natiijada tirakoobka dadka Kenya ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in guud ahaan tirada dadka dalka Kenya ay tahay 47, 564,296Milyan oo qof.

Natiijada tirakoobka ayaa waxaa ka soo baxday oo Haween 24, 1014,716 ah iyo  23, 548, 056, 24.

 

Tirada dadka Soomaalida ee tirakoobkan ka soo baxday ayaa lagu sheegay 2.5Milyan oo qof, inkasta oo Soomaalida aysan ku qanacsaneyn natiijadaas.

Markii ugu horreysay tirakoobka sanadkan ee dadka Kenya waxaa ku jiray dadka isku jinsiga ah ee isu taga waxaana tiradoodu kor u dhaaftay 1,500 qof.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com