Dhageyso:-Muuse Suudi “Hirshabeelle Ha Isku Tashato”

November 4, 2019 (AO) – Muuse Suudi  yalxow oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay gurmadka loo saameynayo dadkii Magaalada Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxaa uu sheegay Muuse Suudi in dadkii uu sameeyay Wabiga Shabeelle aan weli la gaarsiin gurmadkii loo uruurinayay ee loo baahnaa in lasiiyo, isla markaana wax kasto ay noqdeen hadal uun kaliya.

Isaga oo ka hadlaayay Senator Muuse Suudi kulan Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayuu Hirshabeelle ugu baaqay inay isku tagasho, isagoona xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo u socdo halkaas.

Senator Muuse ayaa u mahadceliyay Maamulka Puntland iyo dadka kunool deegaano kale, kuwaasi oo uu sheegay inay gumad usoo direen dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga, wuxuuna tilmaamay in aysan qof uu Gobolka Banaadir  uga mahadcelinayo iyo dowlad intaba.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com