Dowladda Federaalka oo Ciidamo hor leh geysey Dhuusamareeb

0
3

November 04, 2019 (AO) – Warar hada nasoo gaaray ayaa sheegeya in Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ay Maanta oo Isniin ah ka degtay diyaarad sida Cutubyo hor leh oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Harmacada loo yaqaano.

Ciidamadan Saaka gaaray Dhuusamreeb oo tiro ahaan gaarayay ilaa iyo  76 Askari ayaa waxaa laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa la sheegayaa in halkaas loo geeyey si ay ugu biiraan kuwii horey halkaas u joogey, waxaana la dejiyey Xarumaha Ciidamada dowladda ee Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo horey Dhuusamareeb ku daabushay Ciidamo kala duwan, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay qeyb ka noqonayan  sugida amniga Magaalada iyo xoreynta deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug, iyadoona halkaas haatan ay ka socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub, iyadoona arrimahaas ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.