RW: Kheyre Hal ku dhegga Nabad & Nolol oo ka guuray

November 4, 2019 (AO) – Qoraal uu raisalwasaaraha Soomaalia Xasan Cali Kheyre ku qoray boggiisa Twitter ayuu kusoo bandhigay hal-kudheg aan lagu aqoon hadda kahor! Kaas oo kaduwan hal-kudhegga xukuumadda oo ah Nabad & Nolol.

Hiigsi iyo Horumar iyo  Ammaano iyo Adeeg ayuu raisalwasaare Kheyre ku adeegsaday gunnaanadka qoraalkiisa oo kusaabsan kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne kuxigeenka Bangiga adduunka Dr Xaafid Gaanim.

Dad badan oo uga dooday baraha bulshada waxa ay ku macneeyeen in raisalwasaare Kheyre sii billaabay ololaha doorashada 2021, beddelidda halkudhegga Nabad iyo Nololna uu tusaale u yahay in Xasan Cali Kheyre leeyahay han iyo kutalagal ku aaddan doorashooyinbka 2021.

Mahdi Guuleed raisalwasaare kuxigeenka xukuumadda Nabad & Nolol ayaa kal hore sheegay in ay dhisayaan xisbi weyn oo weyn oo Allaa weyne weyn! hayeeshee weli ma suuragelin dhismaha xisbiga xukuumadda, waxaana suuragal ah in ka guuridda hal-dhegyada Nabad & Nolol ay astaan u yihiin in Xasan Cali Khayre kudhawaaqi karo xisbi aan saaxiibadaiisa Nabad & Nolol u dhammeyn.

Weli ma muuqdaan wax muujinaya in rasialwasaare Kheyre uu la tartami doono madaxweynihiisa hayeeshee ma aha wax cusub in madaxweynaha iyo raisalwasaarihiisu ku tartamaan xilka madaxweynaha.

RW Cabdiweli Cali Gaas ayaa la tartamay madaxweyne Shariif 2012 sidaas oo kalana RW Cumar Cabdirashiid ayaa la tartamay madaxweyne Xasan sheekh 2016 .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com