Haweeney Soomaaliyeed oo Agaasime ka noqotay Isbitaal yaraanteedii lagu dabiibi jiray

November 04, 2019 (AO) – Drs Anisa Ibrahim waxey jirtay 6 sano markii iyada iyo qoyskeeda ay isaga carareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka qarxay horaantii 1992-kii, waxey dhowr sano ka mid ahaayeen qoysaska Soomaalida ah ee ku nool xeryahaya Qaxootiga ee Kenya balse nasiib u yeeshay in loo qaado Mareykanka, dhowr jeer oo ay xanuunsatay waxaa lagu dabiibay xarunta caafimaadka ee Harborview oo dhacDA magaalada Seattle ee caasimadda Washington.

In ka badan 20 sano ka dib waxey noqotay agaasimaha guud Isbitaalka iyada oo xanuusan oo nafaqo darro heyso lagu dabiibi jiray, kadib markii Jaamacadda Washington ay ka baratay culuumta caafimaadka, hadana waxey la tacaashaa Bukaano lamid ah iyada markey yareed oo u badan kuwa ku sucub U.S.A iyo waliba caruur Qaxooti ahaan horay ugu joogay America.