Maamulka Kenyatta oo  eeday loo jeediyay

November 4, 2019 (AO) – Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreyso dalka Kenya, David Maraga ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda Uhuru Kenyatta inay dooneyso inay maamusho laanta caddaallada ee dalkaas xilli uu jeediyay shir ja’raaid.

Maraga wuxuu ka dhawaajiyay in markii dhawaan la yareeyay miisaaniyadda waaxda caddaaladda dalkaas ay horseeday inuu hakad galo shaqooyinkii iyo adeegyadii ay qabeen maxkamadaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in waaxda garsoorka lagu qasbay inay hakiso afar kalfadhi oo ay ku dhageysan laheyd maxkamadda racfaanka kiisas kuwaas oo ka dhici lahaa ilaa afar magaalo iyo in la xiray maxkamadaha gur-guuro.

Kormeerayaasha waxay sheegayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu digniin u diray waaxda caddaaladda dalkaas kaddib doorashadii sannadkii 2017-kii ay maxkmaddu waxbo kama jiraan ku tilmaantay natiijadii doorashada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com