Maareeye oo dalbaday Sharci ka dhan ah dadka Baraha Bulshadda

November 4, 2019 (AO) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo Maanta hadal ka jeedinayay Kulankii Aqalka Sare oo la horheeyey Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta ayaa sheegay in xilligaan Baraha Bulshada ay saameyn ballaaran ku leeyahay dunida,isla markaana si wanaagsan iyo s xun intaba loo adeegsado.

Waxaa uu sheegay Wasiir Maareeye in waxyaabaha la soo dhigo Baraha Bulshada ay yeelan karaan saameyn badan,isla markaana ay jiraan dad si xun u adeegsado,isla markaana Madaxda ku aflagaadeeyo.

Xildhibaanmada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday Sharci Xakamaynaya dadka Baraha Bulshadda wax ku qoro ee aflaadeeya Madaxda Dowladda.

Ugu dambeynw axaa uu sheegay in Sharciga Saxaafadda uu dhigayo in dalka uu yeesho Warbaahin Madax bannaab oo awood leh,sidaasi si lamid ahna Siyaasada dowladda ay tahay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com