Madaxweyne Xaaf: Ahlu-Sunna Buuga Naxariista haloo Baaro

November 04, 2019 (AO) – Madaxweynaha Maamulka uu xilka ka dhamaadey ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isagoo la hadlaaya idaacaha FM ka ee Magaaladda Xamar ayaa sheegey in arinta galmudug ay aad u liidato.

Xaaf ducaale ayaa walaac weyn ka muujiyey hanaanka lagu wado Maamul u sameynta galmudug, wuxuuna ka digey dagaalka laga abaabulaayo galguduud.

“Waxaan aad uga xumahay meesha ay mareyso galmudug iyo sida foosha xun ee ay wax u socdaan”.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa codsadey in Culimadda Ahlu-Sunna loo naxariisto lana qiimeeyo halka ay soo galeen.

Xaaf ayaa dowladda kula dardaarmey in aysan kusii fogaanin is jiijiid aan wanaagsaneyn ee kala dhaceeya dadka reer galmudug iyo ahlu-sunna.