Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Sheegay in 86 Ruux ay ku Dhinteen Rabshadihii ugu Danbeeyay

November, 04, 2019 (AO) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Cali oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya ka dib rabshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalkiisa ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.

Dr Abiy ayaa arintan ka sheegay shir jaraa’id Axaddii  shalay aheyd  waxaana 86  qof ee dhintay uu sheegay in ay ka mid ahaayeen  Dumar iyo 10 ka tirsan ciidanka Booliiska ee Federaalka.

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkiis.

“Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Wuxuu sidoo kale Abiy wacad ku maray in talaaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warantay warbaahinta Fana.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo balaaran oo rabshado wata ka dib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.