200,000 $ dollar oo loogu deeqay Gurmadka Fatahaadaha Madasha Xisbiyada Qaran

November 5, 2019 (AO) – Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) ay ugu deeqeen Fatahaadaha ku dhuftay Magaalada Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran oo madaxdeedu ay shir jaraa’id ku qabteen galabtey Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay maalmihii la soo dhaafay ay Xisbiyada madasha ku midaysan iyo dad samafalayaal Soomaaliyeed ah laga soo aruuriyey lacag gaaraysa &200,000 ( laba Boqol kun oo dollar) taasoo qeyb ka noqon doonta gurmadka fatahaadaha iyo daadadka ka dhacey Magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Guddoomiyaha madasha ayaa magacaabay laba guddi oo madasha wakiil uga noqon doona gurmadka fatahaadaha ka dhacey labadaas magaalo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com