Ciidamo Al Shabaab ah oo lagu arkay Degaano hoos yimaada Guriceel

November 05, 2019 (Awdinle Online)  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Ciidamo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al shabaab oo buux dhaafiyay Duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduug.

Dadka ku nool degaannada hoostaga Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Al shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan degaanno hoostaga magaalada taas oo cabsi hor leh ku abuurtay.

Degaannada lagu arkay Ciidamada Al shabaab habeenkii xalay ahaa waxaa ka mid ahDhagaxyaale iyo Waradhuumale oo hoostaga Magaalada Guriceel.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo ciidamadii Ahlu-Sunna ee muddada dheer Al shabaab kula dagaalamayay Gobolkaas ay Axaddii isaga baxeen islamarkaana degaannadaas gacanta ku dhigeen Ciidamada dowladda Federaalka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa Boolis geysay Magaalada Guriceel si ay u sugaan amniga Magaalada, waxaana loo magacaabay Taliye Boolis oo cusub.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ayaa maamulka Ahlu-sunna ka qabsaday Guriceel, Matabaan iyo inta badan magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu-Sunna dhinaceeda waxaa ay meesha ka saartay in dagaal looga saaray magaalooyinkaas waxaana Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir uu sheegay in ay iyaga tanasuleen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dareen kacsan oo aan hore loo arag, dhanka kale ciidanka Dowladda heegan ku jirey 24kii saac ee la soo dhaafay.