FAHAMKA FEDERAALKA & QABIILAYNTA AWOODDA DAWLAD-NIMO MAXEY DHASHAY

Siyaasiyiin Somaaliyeed ayaa ku doodaya in Federaal ka looga hortegayo soo laabashada Kali talisnimo laga soo gudbay iyo Awoodda Dawladda oo ku Aruurta Gacanta Muqdisho?

Bal aan wada qiimeyno 20 sano kadib Dawladda ku dhisan: 5 Qabiil + 6 Gobal + 6 Madaxweyne + 6 Barlamaan + 6 Gole Wasiir + 6 Garsoor + 6 Talis Ciidan + 6 Airpoor + 4 Dekadood + 6 Canshuurood + 6 Xuduud Gobaleed = Federaal???

Dhinaca kale Somaali waxaa soo maray:
2 Wasiir oo Walaalo ah, 2 Safiir oo Walaalo ah, 50% Gole Wasiiro oo isku Gobal ah, 50% Gole Barlamaan oo isku Gobal ah! Laakin Maanta Federaal ka ayaa noo Dhalay: Beel heblay ayaa leh Madaxweynaha Gobalkaas, Gudoomiyaasha iyo Taliyaasha-na Beela kale, Barlamaan-kana waxaa lagu qeybsaday Jufooyinka Beelaha Gobal kaas, kan Federaal-kana Carte, lamana beddeli karo???

Hadaba Federaar-ku ma soo kordhiyeyey;
Baahinta: Awoodaha Dawlad-nimo, Xukunka iyo Maamulka, Dhaqaalaha iyo Horumarka Gobalada, Xiriirka Gobabalada iyo Deriskooda, kala Sareynta iyo Kala Amar-qaadashada Dawlad-nimada, Wada-jirka iyo Midnimada Dadka? Mise wuxuu Baahiyey; Kali-talisnimo Cusub, Gobaleysi, Qabiileysi, Xuduudeysi, Kala- qeybin, Kala-geyn iwm???

Tusaale; Kali-talisnimada Madaxda Gobalada ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey markii ay joojiyeen Xorriyaddii Hadalka, Qoraalka, Safarka iwm! Haddii aad joogto Hargeysa Xamar uma Safri kartid? Garoowe Su’aal ma weydiin kartid Madaxweynaha Xitaa haddii aad tahay Xildhibaan? Baydhaba kuma hadli kartid Lahjada Maxaa-tiri? Kismaayo kama hadli kartid Doorashada Madaxweynaha? Fecebook iyo Twitter waxba kuma Qori kartid haddii aadan Xamar ama Dibadda Dalka Joogin?

Hadaba Fedederaal ka aan heysano;
1. Kali-taliyaashii ma badiyey mise waa joojiyey?
2. Xukunkii iyo Awooddii Dawladnimo ma Baahiyey mise Qabiil ayuu Gacanta u geliyey?
3. Maamulkii iyo Dhaqaalihii Gobalada Cadaalad ma u qeybiyey mise Sad-bursi Cusub ayuu dhaliyey?
4. Siyaasaddii iyo Awooddii Dawlad-nimo ma Xoojiyey mise waa Daciifiyey?
5. Wadajirkii iyo Midnimadii Dalka ma Adkeeyey mise waa Jilciyey?

Waxaa Qoray: Dr Maxamed Cali Gacal