Guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Mucaaradka ah Sheekh Shariif oo Kusii jeeda Beledweyn

November 05, 2019 (Awdinle Online) – War hada nasoo gaaray ayaa sheegeya in hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran ay caawa kulan ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ku magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, iyadoo gargaar ka socda Madasha gaarsoon doona dadka ku barakacay fatahaadaha waxyeeleeyey deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya xubnaha Madasha ayaa maalinta beri ku sii jeeda magaalada Beledweyne, waxaana safarkan uu yahay mid qiimeyn iyo gaarsiin gargaar sama fal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beri tagaya Beledweyne uu ku jiro Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaano iyo Wasiiro hore.

  1. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dadaalada loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadaha, waxaana madasha ay gaarsiin doonaan gargaar kala duwan deegaanada ay fatahaadaha ka dhaceen amaba ay saameeyeen.