Q.M oo imtixaan ka Qaadaysa  Ciidamadii Uganda u soo direyso Soomaaliya

November 5, 2019 (AO) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in Saraakiil Boolis ah oo loo soo wado Soomaaliya ay Imtixaan u gelayaan Qaramada Midoobey kaddibna loo so daabuli doono Muqdisho.

Sarakiisha Booliska ayaa tababarkooda caadiga ah shalay oo Isniin ahayd lagu soo gaba gabeeyay Kampala waxaana ay Imtixaanka ku gelayaan Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Midowga Afrika.

Imtixaanka wajigiisa 1aad ayaa waxaa uu yahay awooddooda wax aqrin iyo qoraal,waxaana qofkii ku dhaca laga reebayaa howlgalka.

Musharrixiinta ka soo gudba Imtixaankaas ayaa maraya afar Imtixaan kale oo kala ah xirfaddooda kaxeynta Gaadiidka, Caafimaadkooda, araggooda iyo shiishkooda.

Grace Turyagumanawe oo ah agaasimaha howlgallada nabadda ayaa kor joogteeyay munaasibadda ay saraakiishaas ku dhameysanayeen tababarka hore.

Saraakiishaas ayaa waxaa ay ka mid noqon doonaan kuwa tababaraya Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaa kale oo ay qeyb ka noqon doonaan howlaha qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Waxaa ay tiradoodu gaareysaa ilaa 800 oo sarkaal kuwaas oo aan la kala sheegin sida ay ugu kala qeybsamayaan Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Xigisho : chimpreports.com

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com