Puntalnd oo mamnuucday in la maro habeenkii waddo muhiim ah

November 5, 2019 (AO) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in si kumeel gaar ah ay u joojiyeen  isticmaalka waddada xariirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe xilliga habeenkii inta lagu guda jiro waqti roobaadkan.

Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiid ee maamulka Puntland ayaa goor dhaw gaadiidleyda iyo dad weynaha magaalooyinkaas ku war galisay in habeenkii aan lagu safri karin wadadaas.

Wadada ay Puntland mamnuucday in la maro habeenkii ayaa muhiim u ah isticmaalka dekedda magaalada Boosaaso oo guud ahaan dadka gobolada dhexe ay wax kala soo dagaan, isla markaana gaadiidka xamuulka ah ee ka soo baxa dekedaas ayaa xilliyada habeenkii ah ku kala goosha wadadaas.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com