Ciidamadda Itoobiya oo Gedo ku Xirxirey Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan

November 06, 2019 (Awdinle Online) – Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya oo dhowaan gudaha u galay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee Jubbaland ay xireen guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Jubbaland ee gobolka Gedo.

Sida aan xogta ku helnay mas’uuliyiinta iyo taliyaha ay kaxeysteen ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka biyo diiday inay la shaqeeyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu haatan khilaaf xoog leh kala dhexeeyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha la xiray ay sharuud ka dhigeen in la sii daayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdiniir Janan ka dibna ay si toos ah ula shaqeyn doonan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Maamulka Jubbaland oo ku aadan arrintaasi iyo xarigga lagula kacay mas’uuliyiintaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkeeda ay tahay xiisada siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe, islamarkaana qabsaday caleema saar aysan ogoleyn dowladda Soomaaliya.

Isha wararka awdinle.com