Ciidamadda Madaxtooyadda Puntland oo weeraray Xarunta Baarlamaanka

November 06, 2019 (Awdinle Online) – Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa isku rasaaseeyey xarunta baarlamaanka Puntland.

Ciidamada israsaaseyey ayaa ka kala tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo ciidamada ilaalada Baarlamaanka Puntland,.

Israsaaseynta ayaa timid ka dib markii xarunta baarlamaanka ay weerareen ciidanka ilaalada madaxtooyada.

Isku dhaca ciidamada iyo Israsaaseynta ayaa imaanaya xilli la hadal hayo mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo kaas oo la sheegay inay horkacayso madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Maanta 3 Beri fasaxay Xubnaha Baarlamaanka Puntland, waxaana la sheegay in arintaas looga hortagay mooshin la hor geyn rabay Baarlamaanka.

Weli ma jirto cid ka hadashay is rasaaseynta ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Puntland lamama helin Khasaaraha ka dhashay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan kala soco.