Dhageyso :- Wasiir Amniga somaliya  oo dhagax-dhigay Xarun cusub oo yeelanayso  hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha

November 5, 2019 (AO) – Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale )   Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya taas oo ku taala meel u dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka  islow ducaale ayaa waxa uu sheegay in shirkado badan ay leeyihiin soomaali iyo Ajaaniib ay soo codsadeen dhismaha Xaruntaasi balse loo tartansiiyay waxa uuna tilmaamay in ay ku guuleysatay Shirkad Soomaali ay leeyihiin.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay dhismaha xaruntaasi ay k aqayb qaadanayaan afar dowladood oo kamid ah kuwa Soomaaliya taageera, isla markaana ay kubaxeyso qarash dhan Dhan shan  Milyan oo Dollar.

Wasiir ooo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhismaha Xaruntaan la soo geba-gabeynaayo marka lagaaro sanadka 2021-ka markaasi oo lagu shaqo bilaabi doono.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com