Dowladda Dhexe oo digniin ka soo saartay Fatahaado Wabiyada Dalka

November 5, 2019 (AO) – Dowladda  Soomaaliya ayaa digniin hor leh ka soo saartay Fatahaad ay sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta musoobooyinka ayaa lagu sheegay in Roob la saadaalinayo uu sababi karo fatahaado ay sameeyaan labada Wabi.

Magaalooyinka Baardheere, iyo Dooloow, Jowhar iyo Beledweyn ayaa digniintan ku xusan,waxaa kale oo ku jira Gobollada Baay iyo Bakool.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com